Gollaha Guud Xisbiga

Xisbiga / Gollaha Guud Xisbiga

Gollaha Guud Xisbiga Dhulka Hooyo

Shirweynaha Guud ee Xisbiga waa madasha ugu sareysa ee kulmisa ergooyinka Xisbiga ee heer degaan illaa heer caasimadeed. Madashaan guud ee Xisbiga waxaa la qabtaa 4tii sanoba hal (1) mar.

Shirweynaha Guud waa madal aad muhiim ugu ah Xisbiga Dhulka Hooyo maxaa yeelay waxaa lagu soo bandhigaa laguna ansixiyaa sharciyada si guud u saameynaya Xisbiga qeybihiisa kala duwan sida dastuurka Xisbiga iyo barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga.

Shirweynaha Guud ee Xisbiga (the General Assembly of the Party) waxaa lagu doortaa Shir-guddoonka Shirweynaha Xisbiga, ku-xigeenkiisa iyo Xogheynta shirweynaha. Shirweynaha Xisbiga waxaa lagu doortaa xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, Guddoomiyaha guud iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga. Awoodaha Shirweynaha Guud Xisbiga waxaa ka mid ah ansaxinta qaab-xisaabeedka Xisbiga iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Xisbiga. Shirweynuha Xisbigu wuxuu warbixinada waxqabadkooda ka dhegeystaa dhammaan golayaasha Xisbiga. Sifooyinka iyo shaqooyinka Golaha Dhexe ee Xisbiga waxaad ka daalacan kartaa.